Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo is-casiley

Image

MUQDISHO- Waxaa is-casiley xalay Saqdii dhexe Guddoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamad Cismaan Jawaari kadib markii is-afgarad laga gaarey wadahalo 24 saac ee la soo dhaafey u socdey Madaxweyne Farmaajo iyo Afhayeenka xilka ka tagey.

Kulan maanta loo balansanaa kasoo lagu guda gali lahaa mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey la baajiyey sababo lagu sheegey in tanaasul ka yimid dhinac kamid ah garabyadii khilaafka uu ka dhexeeyey.

Warraka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in Jawaari xalay saqdiii dhexe uu ogaaladey inuu is- casilo balse dib loo dhigey In horey laga shaaciyo go’aanka lawada gaarey madaama la qancinayey garabkii taageerayey Gudoomiyaha is-casiley.

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka ayaa wararku sheegayaan in fariinta is-casilada u sheegey qaar ka tirsan Xildhibanada Barlamanka oo saaka horey u tagey aqalka wakiilada.

Khilaafka u dhexeeya Xildhibaanada Barlamanka Federaalka oo soo bilowdey bishii March, 2018 bartamahedii ayaa waxaa qayb ka ahaa xukuumada uu hogaamiye Ra’isal wasaare Khayre.

Jawaari oo markii labaad ku guulystey xilka Gudoomiyaha Barlamanka Federalaka ayaa waxaa lagu xusuusan doona inuusan guul ka gaarin dhameytirka Dastuurka KMG ah  iyadoo dadka naqdiya siyaasadiisa waxay sheegaan inuu kasoo horjeedey nidaamka Federaalka Soomaaliya.

 Sida GO u sheegeen xildhibaano Jawaari ayaa la filayaa in maalinta Arbacada khudbad uu kaga hadlayo is-casilaadiisa ka jeediyo aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

GO kala soco wararkii soo ku soo kordha is-casilaada Jawaari.

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM