Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo is-casiley

Image

MUQDISHO- Waxaa is-casiley xalay Saqdii dhexe Guddoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamad Cismaan Jawaari kadib markii is-afgarad laga gaarey wadahalo 24 saac ee la soo dhaafey u socdey Madaxweyne Farmaajo iyo Afhayeenka xilka ka tagey.

Kulan maanta loo balansanaa kasoo lagu guda gali lahaa mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey la baajiyey sababo lagu sheegey in tanaasul ka yimid dhinac kamid ah garabyadii khilaafka uu ka dhexeeyey.

Warraka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in Jawaari xalay saqdiii dhexe uu ogaaladey inuu is- casilo balse dib loo dhigey In horey laga shaaciyo go’aanka lawada gaarey madaama la qancinayey garabkii taageerayey Gudoomiyaha is-casiley.

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka ayaa wararku sheegayaan in fariinta is-casilada u sheegey qaar ka tirsan Xildhibanada Barlamanka oo saaka horey u tagey aqalka wakiilada.

Khilaafka u dhexeeya Xildhibaanada Barlamanka Federaalka oo soo bilowdey bishii March, 2018 bartamahedii ayaa waxaa qayb ka ahaa xukuumada uu hogaamiye Ra’isal wasaare Khayre.

Jawaari oo markii labaad ku guulystey xilka Gudoomiyaha Barlamanka Federalaka ayaa waxaa lagu xusuusan doona inuusan guul ka gaarin dhameytirka Dastuurka KMG ah  iyadoo dadka naqdiya siyaasadiisa waxay sheegaan inuu kasoo horjeedey nidaamka Federaalka Soomaaliya.

 Sida GO u sheegeen xildhibaano Jawaari ayaa la filayaa in maalinta Arbacada khudbad uu kaga hadlayo is-casilaadiisa ka jeediyo aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

GO kala soco wararkii soo ku soo kordha is-casilaada Jawaari.

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM