Guddoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka oo xilka la wareegay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah xilka ugala wareegay Maxamed Cismaan Jawaari.

Munaasabad kooban oo lagu qabtey Aqalka Madaxtooyada, Villa Hargeysa islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Wasiiro, Xidlhibaanno katirsan Gollaha shacabka iyo mas'uuliyiin kale ayuu Mursal xilka kula wareegay.

Jawaari oo ka hadlay munaasabada, ayaa beeniyay warka ku saabsan in la xaday Dastuurka KMG ah, waxaana nuqul kamid ah uu ku wareejiyay iyadoo saxaafadda goobjoog tahay gudoomiyaha cusub Maxamed Mursal.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Golaha Shacabka iney gacmaha is qabsadaan, oo si hufan ugu shaqeeyaan shacabka ay matalaan, islamarkaana ay difaacaan madaxbanaanida Gollaha.

Jawaari ayaa xilka iska-casiley bishii lasoo dhafaay kadib markii laga keenay mooshin dhaliyay khilaaf xooggan oo mudo todobaadyo ah hareeyay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jirin wax dhaarin ah oo loo sameeyay Maxamed Mursal oo la doortay 30-kii bishiii lasoo dhaafay ee April, maadaama uu yahay Xildhibaan horey loo dhaariyay, oo haddana noqday Afhayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM