Guddoomiye Mursal oo Magacaabay Lataliye sare [WAREEGTO]

Image

MUQDISHO, Somalia - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo saarey wareegto uu ku magacaabey la-taliye sare oo dhinac saxaafadda u qaabilsanaan doona.

Sida ku xusan wareegatadda, oo ku taariikhaysan 26-ka January, Liibaan Maxamed Xuseen, ayaa loo magacaabey la-taliye sare gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee arrimaha Saxaafadda.

Mursal ayaa bishii August 2018 u magacaabey C/qaadir Maxamed Nuur [jaamac] inuu noqdo la-taliye sare xafiiska Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Somalia.

Maxamed Mursal Sheekh iyo Jaamac ayaa horay u soo wada shaqeeyay, gaar ahaan xilligii uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, waxaana magacaabistiisa timid saacado kadib markii laga qaadey Jaamac xilka taliye-ku xigeenka NISA.

HALKAN KA AKHRI WAREEGTADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM