Guddoomiyaha Xamarweyne oo lagu xiray xarunta CID-da

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay BBC u xaqiijiyeen ilo kala duwan, guddoomiyaha degmada Xamar Weyne, Cumar Shariif Maye oo loo yaqaanno Cumar Shariif Jeeg ayaa galinkii dambe ee shalay lagu xiray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Weli lama sheegin sababta loo xiray, maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Booliskana kama aysan hadlin,

Warqad uu ku saxiixan yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur, ayaa shalay shaqada looga joojiyey Cumar shariif Jeeg, ayadoo lagu eedeeyey in uu "si bareer ah uga been sheegay booliska qaranka, kuna tilmaamay in aan lagu aamini karin amniga dalka, ayna iyagu keenaan qaraxyada".

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay "in maamulka gobolka Banaadir inuu ka jiro musuqmaasuq, xukuumadda Khayre-na uu ku tilmaamay inay tahay xukuumadda ugu musuqmaasuqa badan & in dalka aysan wax dawlad ah ka jirin".

HOOS KA AKHRI WARQADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM