Gudiga Doorashada KG oo soo saaray hab-raaca doorashada [Akhri Shaxda]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashooradda Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa soo saarey Jadwalka codbixinta qabsoomeysa 17-da bisha dambe ee November.

Bayaanka oo ka kooban dhowr qodob ayaa lagu xusay in Murashaxiinta looga baahan yahay inay ka hor akhriyaan Xilldhibaanada codaneysa barnamijkooda siyaasiga ah oo ka kooban ugu yaraan 200 oo bog.

Dhamaan Murashaxiinta ayaa la faray inay bixiyaan lacagta diiwaan-gelinta, taasi oo lagu shubayo Akoon uu Guddigu ku leeyahay Shirkada Dahabshiil, kaasi oo Lamberkiisu yahay BAYD11106.

Guddigu ma uusan shaacin tiradda lacagta ee Murashaxiinta laga doonayo, waqtiga looga baahan yahay inay ku bixiyaan lacagta iyo shuruudo la sheegay inay uga xiran ka qaybgalka doorashadda Madaxwaynaha

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed uu Guddigu soo saarey, Murashaxiinta ku loolameysa doorashadda oo xamaasad badan sanadkaan waxay ku heli karaan guusha wareegga labaad marka ay heleen 50+1 cod.

Laakiin, hadii murashax uu heli waayo cod ku filan wareegga koowaad, waxaa loo baahnaan doono wareeg labaad, kaasi oo ay ugudbi doonan tartamayaasha helay codadka ugu badan ee Mudanayaasha.

Ugu dambeyntii, doorashadda Koonfur Galbeed ayaa noqonaya midda ugu horeysay ee ka dhacda dowlad goboleedyadda oo khilaaf culus uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe oo lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso.

AKHRISO QORAALKA GUDIGA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM