Gudoomiya loo soo magacaabay gobolka Hiiraan

Image

20 December, 2015(GO)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Hiiraan, waxaana xilka laga qaaday gudoomiyihii hore oo arrimo la xiriira baaritaan dil u jooga magalada Muqdishu.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa xilkaasi u soo magacaabay Yusuf Axmed Xagar Dabageed oo horay xilkan u soo qabtay xilligii dowladdii ALLAHA u naxariistee Cabdullaahi Yusuf.

Magacaabista Dabageed ayaa timi kadib markii Cabdifataax Xasan Afrax lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha sarkaal katirsan hay'adda miino baarista ee Mine Action, kaasi oo dhawaan lagu dilay magalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM