Gudoomiya loo soo magacaabay gobolka Hiiraan

Image

20 December, 2015(GO)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Hiiraan, waxaana xilka laga qaaday gudoomiyihii hore oo arrimo la xiriira baaritaan dil u jooga magalada Muqdishu.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa xilkaasi u soo magacaabay Yusuf Axmed Xagar Dabageed oo horay xilkan u soo qabtay xilligii dowladdii ALLAHA u naxariistee Cabdullaahi Yusuf.

Magacaabista Dabageed ayaa timi kadib markii Cabdifataax Xasan Afrax lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha sarkaal katirsan hay'adda miino baarista ee Mine Action, kaasi oo dhawaan lagu dilay magalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM