Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo Kismayo tagay

Image

12 January, 2016(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magalada Kismayo xarunta Somalia, halkaas oo kusuganyihiin Ra'isal wasaaraha Somalia, Madaxda maamullada Puntland iyo Koonfur Galbeed Somali.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay Kismayo Prof. Jawari oo markii ugu horraysay tan iyo markii ladoortay booqday xarunta Juubbaland.

Galinka dambe maanta ayaa sidoo kale  lafilayaa inuu tago madaxweynaha Somalia islamarkaana soo laabtaan Axmed Madoobe iyo Cabdikariim Xuseen kuwaasi oo ka qayb galaya shirka maamul usamaynta gobollada Hiiraan iyo Shebeelaha dhexe.

Waxaa dib u dhac kuyimi shir madaxda Somalidu uga hadli lahayd habraaca doorashada 2016, kaaso la qorsheeyay inuu qabsoomo 10 bishan aan ku jirno waloow uu labo jeer dib u dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaray ayaa tibaaxaya inuu furmayo barri 13 January, wuxuuna socon doonaa maalmo kooban.

Xaaladda magalada Kismayo ayaa sidoo hore kabadalan, waxaana waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha wufuuddu dagantahay la dhoobay ciidamada katirsan kuwa maamulkaasi iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM