Gudoomiyaha Galgaduud oo ka hadlay weerar lagu qaaday

Image

20 December, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa ka hadlay weerar shalay lagu qaaday gaari uu saarnaa, xilli uu marayay wadada Maka Al-Mukarama Muqdishu.

Cirfo ayaa tilmaamay rag hubaysan inay ku fureen gaari uu la socday waxyar kadib markii uu goobta ka dhacay qarax xooggan oo sababay dhimashada Shan ruux iyo dhaawac toban kale.

Waxaa uu sheegay inuu ka badbaaday rasaas ay ku fureen rag hubaysan oo watay gaari nooca raaxada, balse wuxuu xusay inay ku waxyeeloobeen shacab Somaliyeed oo aan waxba galabsan.

Dowladda Somalia iyo laamaha amniga oo kaashanaya bulshada ayuu tilmaamay inay qayb ka qaataan adkaynta amniga iyo xasilinta caasumadda Somalia.

Faah faahin kama bixin dhaawaca soo gaaray, balse waxa uu caafimaad ahaan u muuqday mid wanaagsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM