Gudoomiyaha gobolka Galgaduud oo Muqdishu lagu weeraray

Image

19 December, 2015(GO)-Gaari uu la socday gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu weerary magalada Muqdishu gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama nawaaxiga Shaneemo Somali sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Rasaas xooggan ayaa oodda looga qaaday gaariga uu la socday Xuseen Cali Wehliye Cirfo, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo sababay in la dhigo mid ka mid ah goobaha caafimaadka Muqdishu.

Halka lagu weerary Cirfo aya isla maanta waxaa ka dhacay qarax xooggan oo ilaa hadda cid kahadashay aysan jirin, waxaana qaraxaasi oo gaari lagu soo xiray waxyeello ka soo gaartay dad shacab u badan.

Wadada Maka Al-Mukarama  ayaa hadda noqotay goobta lagu ugaarsado shakhsiyaadka muhiimka ah, Asbuucii hore ayay ahayd markii lagu dilay labo ruux oo u shaqaynayay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR. Labadaasi ruux majirto cid loo soo qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM