Madaxweyne Waare oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaadey gudoomiyihii gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Digreeto kasoo baxday Xafiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista gudoomiyaha, iyadoo loo cuskaday go'aanka inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday, sida amniga iyo arrimaha bini'aadanimo.

Cali Jeyte ayaa dhawaan diiday xilka qaadistan oo uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka HirShabeelle, waxaana ka diidmadiisa ka dhashay ismariwaa keenay inuu soo faregliyo Madaxweynaha oo isaga xilka ka qaado.

Cabdullaahi Axmed Maclin, ayaa loo magacaabay xilka gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Isbedelkan dhanka hogaanka gobolka Hiiraan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Waare iyo Wasiiro katirsan maamulkiisa oo ku sugan Beledweyne ay kulamo wadatashi ah la qaateen qeybaha bulshada.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa tan iyo markii la doortay sandkii tagey waxa uu sameeyay dhowr xilka qaadis, oo uu ku sameeyay gudoomiyaal degmooyin iyo mas'uuliyiin heer gobol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM