Gudoomiye Aadan Madoobe oo u dhoofay Imaaraadka Carabta

Image
Socdaalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli xiisad siyaasadeed ay ka dilaaceen gudaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM