Gudoomiye cusub oo loo magacaabey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Xukuumadda Soomaaliya ay Gudoomiye cusub u magacawday Bangiga Dhexe ee dalka, oo mudo hal sano ah hogaan la'aan ahaa.

Nin lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo ahaa labadii sano ee ugu dambeysay la-taliyaha dhinaca dhaqaale Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xilkan loo magacaabey, iyadoo la filayo in Gollaha Wasiiradda ay ku dhawaaqaan magacaabida.

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa madaxda Villa Somalia la raadinayeen inay u dhiibaan nin u dhashay Ingiriiska, kaasoo dartiisa loo bedalay xeerarkii hay'addan lacagta, waxaana ka dhashay dood adag oo Baarlamaanka dhexdiisa ah.

C/raxmaan ayaa la sheegay inuu yahay shaqsi kasoo jeeda gobolka Togdheer ee Somaliland, waxaana ay saaxibo dhaw yihiin Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM