Gudoomiye dhaawacay Xildhibaan barayey sida Bastoolad loo rido

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Dhacdo naadir ah, gudoomiyaha degmadda Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Xasan Xaaji Axmed [Darafey] ayaa dhaawacay Xildhibaan barayey sida loo ganno bastoolad.

Darafey, oo la doortay bishii August ee sanadkan 2019 kadib coddeyn taariikhi ah, ayaa waxaa la sheegay in ay xabadda kaga dhacdey qaab aan ku talogal ahayn.

Markii uu shilkan dhacayay ayaa waxaa la tilmaamay in ay goobta joogeen xubno kale oo maamulka degmadda ka tirsan oo ay qaarkood ka tirsan yihiin Golaha Degaanka.

Mudanaha bukaanka ah oo magaciisa lagu soo koobay Makaraan ayaa waxaa dhaawaciisa lagu sheegay "mid khatar ah".

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in loo soo qaadey Isbitaalka Kasaney ee magaaladda caasimada ee Muqdisho.

Shilkan dhacay ayaa durba hadalheyn xoogan ka abuuray degaanka, waxaana la is-waydiinayaan talaabadda xigta oo la qaadayo.

Warsheekh, oo ah degmo qadiimi ah oo loo dalxiis tago, ayaa qiyaastii 60 KM waxay u jirtaaa magaaladda Muqdisho, caasimadda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM