Gunta khilaafka Wasiirka Cadaalada iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Cadaaladda iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo kawada tirsan Laanta Garsoorka ee dowladda ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf ba'an.

Ismariwaaga oo u muuqda mid si gaar ah uga dhex-qarxey Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Gudoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa sidda ku cad qoraalo is-khilaafsan oo ay soo saareen salka ku haya laba arrin.

Qodobada ay dhinacyadda isku hayaan ayaa waxay kala yihiin; dhismaha Machadka Tababarka Garsoorka Soomaaliyeed oo dib loo howlgelinayo iyo qaadashada garsooreyaal cusub.

Baashe ayaa war-saxaafadeed ku taariikheysan 8-da bishii June ku magacaabey Guddi waajibaadkiisu yahay qorista garsooreyaasha cusub, kuwaasi oo ka kooban todoba xubnood oo ay ku jirto haweenay.

Hasa ahaashee bayaan kale oo ku taariikheysan 10-ka July kana soo baxay xafiiska Wasiir Xasan ayaa ku tilmaamay magacaabistaasi "sharci daro" isaga oo cusksanaya qodobo dastuuri ah.

Khilaafka wasaarada iyo maxkamada ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo soo shaac baxa tan iyo markii uu xafiiska yimid gudoomiye Baashe sanadkii hore 2018.

Dulduleelada iyo dhameystir la’aanta Axdiga qabyada ah ee dalka ayaa la rumeysan yahay in ay sabab u yihiin khilaaf inta badan soo kala dhex-gala hay’addaha Soomaaliya maadaama ay ku jiraan qodobo iska hor-imaanaya.

Dastuurka Soomaaliya oo noqdey kan ugu badan ee dhaqaale lagu bixiyey caalamka oo idil ayaa waxaa iminka ku socda dib u habeyn, inkasta oo maamulada qaarkood ay saluugsan yihiin sida ay wax u socdan.

Jawaabta wasiirka Cadaaladda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM