​Guuleed oo ka hadlay dagaalka Puntland kasocda

Image

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guleed ayaa maanta ka hadlay dagaal kasocda qaybo kamid ah Puntland ee lagula jiro koox lala xiriirinayo Shabaab oo dhawaan doonyo kasoo raacay deegaanada Xarar-dheere iyo Hobyo.

Guleed ayaa sheegay inay ka xunyihiin dagaalka kasocda Puntland, isagoo sheegay inay kala shaqayndoonaan qaabkii kooxaha argagixisada deegaanadaasi looga saari lahaa, wuxuuna dhinaca kale cadeeyay inay la socdeen dhaq-dhaqaayo kooxdu ka waday deegaano katirsan Galmudug, isagoo tilmaamay inay wali ku suganyihiin maamulkaasi.

Arrintan kooxahan, ayuu tilmaamay inay ugu wacantahay duqaymaha xooggan ee lagula beegsanayo Koofurta dalka Somalia.

Madaxweynaha Galmudug, wuxuu cadeeyay in socdaalka kooxdan Shabaab lala xiriirinayo inay ogaysiiyeen Midowga Yurub, isagoo taa badalkeeda sheegin inay soo wargaliyeen Puntland oo deegaanadeed qaybo kamid ah yimaadeen.

Arrintan, ayaa timi kadib markii uu dagaal xoggan ka bilowday deegaano katirsan Puntland kaasi oo sababay dhimashada mallayshiyaad badan oo kooxdaasi katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM