Hab-dhaqan caan baxay sanadihii dambe oo la masaxayo

Image
Madaxtooyadda Qaranka ayaa go'aan cad ka qaadatay hindisahan oo uu hirgeliyey maamulkii Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka cusub ee Villa Somalia ayaa beeniyay in Madaxtooyada ay qoraneyso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud taasi oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Cabdikariin Cali Kaar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda, ayaa arrintaas ku tilmaamay inay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee Villa Somalia.

Hadalka Afhayeenka ayaa meesha ka saaraya warar si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaasi oo sheegayay inay Madaxtooyada qoraneyso ama qoratay dhalinyaro difaaca Madaxweyne Xasan, sidii madaxweynihii ka horeeyay oo kale.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida la wada ogyahay dhaqaale badan ku bixin jiray dhalinyaro ka difaacda baraha bulshada, una faafisay dacaayado ka dhan ah siyaasiyiinta ay is-hayeen, kaasi oo laga cabsi qabay in uu noqdo jid furtay oo madaxda dambe qaadi doonto.

Dhalinyaraas oo Farmaajo ugu yeeray xoogga wadaniyiinta ayaa caan ku ahaa CBB (Cayayaanka Baraha Bulshada) oo uu bixiyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa mucaaradka muuqda ee maamulkii Farmaajo.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa sidoo kale ku celiyay in maamulka cusub uusan beegsan doonin dhalinyaradii horay ula soo shaqaysay maamulka Farmaajo balse ay dadka ku kala xulandoonaan “shaqadaan qofku maka soo bixi karaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ololihiisi guuleystay ku galay inuusan cidna bartilmaameedsan doonin, waxkastana hore looga socon doono ayaa meesha ka saaray dhaqanka noocaas ah sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM