"Hab-dhaqanka" diblumaasiyiinta jooga Muqdisho oo la dhaliilay

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli safiiradda Qatar iyo Imaaraadka ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nigeria Jamaal Barrow ayaa dhaliilay dhaqanka diblamaasiyiinta shisheeye ee Muqdisho jooga oo "maalin walba dhex mushaaxaya xafiisyada dowladda iyo la kulanka madaxda ugu sareysa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya".

“Waxa ay nagu samaynayaan dawladoodu marna ma ogola in dublamaasiyiinteena ay ku sameeyaan dalalkooda," ayuu yiri qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Si loo soo afjaro fowdadan diblumaasiyadeed, wuxuu u soo jeediyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda nidaam u dajiso diblumaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, ciddii ku xad gudubtana lala xisaabtamayo.

Hadalka safiirka ayaa yimid kadib markii maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu arkayay sawirada safiirada Qatar iyo Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya oo kulamo isdaba joog ah la qaadanaya gudoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub Xasan Sheekh.

Safiirka Qatar u jooga Soomaaliya Hasan Bin Hamza oo Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, maalin ka dib markii dhiggiisa Imaaraadka uu wada hadal la yeeshay Xaashi.

Loolanka Qatar iyo Imaaraatka Carabta oo cirka isku sii shareeray ayaa wuxuu salka ku hayaaan in ay ka dhabeeyaan danahooda juqraafi siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya kadib markii la doortay hogaamiye cusub.

Dalalka Imaraadka iyo Qatar ayaa waxaa ka dhexeeya xifaaltan siyaasadeed taas oo ay ku tartamaan sidii saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo aan waxytar balaaran u laheyn shacabka ugu yeelan lahaayeen dalalka burburka dhaqaale iyo midka siyaasadeed soo gaarey kuwaas intooda badan ku yaal bariga dhexe iyo Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM