Hab-dhaqanka ilaalada Villa Somalia oo si wayn loo dhaliilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Gollaha Aqalka Sare, Axmed Maclin Cumar [Nadiir] ayaa daboolka ka qaaday in Ilaaladda Madaxtooyadda Qaran ay si "fool xun" ula dhaqmaan mas'uuliyiinta kala duwan ee dalka.

Senator Nadiir ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha ka tirsan dowladda ay dhibaato wayn ku qabaan gelitaanka dhismaha dalka loo arrimiyo, isagoo ugu baaqay Taliyaha Ciidamadda Illaalada Villa Somalia inuu wax ka qabto dhibaatooyinkaan uu sheegayo.

"Waa loo wada siman yahay dhibaatadda ka taagan gelitaanka Madaxtooyadda. Xilldhibaan, Wasiir iyo qof walba oo mas'uul dowladeed ah. Adigoo Aqoonsigaaga aadan lasoo ordin oo aadan u geynin Askariga ma geli kartid," ayuu yiri Nadiir.

Senator-ka ayaa ku sifeeyay ficilada Askarta ilaalisa Villa Somalia "dhaqan mooriyaan" isagoo ugu baaqay taliskooda in qaabkan wax laga bedelo, islamarkaana la xushmeeyo mas'uuliyiinta kala duwan ee dowladda.

"Iyadoo laga yaabo in Wasiirka ama Xilldhibaanka uu isaga kaligii wato Gaariga ayaa Aqoosigiisa laga doonayaa in sida isagoo mooriyaan Isbaaro fadhiya lacag u geynaya oo kale inuu halka uu fadhiyo ugu tago," ayuu Xilldhibaan Nadiir hadalkiisa raaciyay.

Dhibaatada ka taagan gelitaanka Madaxtooyadda ayaa sii kordhaysay tan iyo markii Fahad Yaasiin, laga dhigay agaasiimaha Villa Somalia, isagoo is-hor istaag ku sameeya xubnaha uu arko inay kasoo horjeedaan siyaasadda dowladda.

Hadalka Xilldhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu Villa Soomaaliya uu si KMG ah uga guurey, sababo dhan amaanka ah, taasoo ka dambeysay weeraro culus oo ka dhacay Nawaaxiga Madaxtooyadda 14-kii bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM