Habraacii loo dejiyey doorashada maamulada oo waji gabax wajahaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Habraacii ay xukuumada federaalka u dejisay doorashooyinka dowlada goboleedyadda ayaa durba wajahaya waji gabax kadib markii ay ka hor-yimaadeen qaar kamida maamulada dalka.

Bayaan kasoo baxay Galmudug oo lagu qaadacay ayaa ku tilmaamay "mid waafaqsaneen guud ahaan dastuurka qabyadda ee wadanka u yaala, isla markaana aysana aqoonsaneen".

War-saxaafadeed wasaarada dastuurka HirShabelle soo saartay ayaa walaac looga muujiyey habraacaasi oo ay ku sifeysay "in uu baalmarsan yahay hanaanka Federaalka ee uu dalku qaatay".

Jubbaland oo qeexday in wasaarada arrimaha gudaha federaalka aysan shaqaba ku lahayn doorashooyinka maamuladda ayaa ku tartarsiisay in "aysan xuduudkeeda ka talaabin".

Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ah kuwa aanan wali caddeynin mowqifkooda ku aadan habraacani, kaasi oo dadka siyaasada falanqeeye ku sheegeen "mid siyaasadeysan".

Balse dowladahaan ayaa horey uga dhawaajin in aysan aqoonsaneyn go'aan kasta oo aan laga talogelin, isla markaana ka hor-imaanaya dastuurka dalka u yaala.

Madaxda dowlada oo tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen wajahaya eedeymo ah "fedeeraal diidnimo, farogelinta maamulada iyo isku koobida talada dalka" ayaa ku guuldareystay in ay xaliyaan tabashooyinkaasi.

Habraaca ay soo saartay wasaarada arrimaha gudaha xukuumada federaalka ah ayaa kusoo aadaya xili Jubbaland ay kusoo food-leedahay doorashooyinka madxtooyada iyo baarlamaanka.

Wasaaradda ayaa maalmo kahor inta aysan qabsoomin doorashadii Koonfur Galbeed oo ay dowladdu gacma-gacmeysay waxay soo saartay habraac kan lamid, kaasi "oo ay ku sharciyeyneyso talaabooyinka xukuumada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM