Hadal uu yiri Khayre oo "sii huriyey" khilaafka awood qeybsiga Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa habeenimadii Axad si rasmi ah ugu dhawaaqey in dowladda federaalka iyo Galmudug ay heshiis ka gaareen khilaafkii ka dhexeeyay tan iyo sanadkii hore.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka oo ka hadlayey munaasabada xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtey xarunta Galmudug ayaa sidoo kale shaaciyey in gogosha dib-u-heshiisiinta iyo doorashada ay martigelineyso Dhuusamareeb.

"Caawa waa habeenkii lagu heesay labaa midowday," ayuu Khayre yiri isaga oo dhoolacadeynaya, wuxuuna hadalkiisa raaciyey "Waxaa midoobay shacabka dowlad goboleedka Galmudug iyo dowladda federaalka Soomaaliya".

Hadalkan ayaa wuxuu imaanaya xili Axadii uu Muqdisho ka degay Axmed Ducaale Xaaf muddo sanad iyo bilooyin ah kadib, isaga oo Madaxtooyadda kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada Galmudug ayaa loo muddeeyay in ay qasboonto 4-ta bisha Julaayo ee sanadkan, wallow aysan muuqan suurtogalnimo ay ku hirgeli karto arrintaasi, maadaama uusan diyaar-garow muuqan.

"Caawa waxaa halkan ka caddeynayaa in Sheekh Shaahir [Madaxa Fulinta Galmudug] uu ogolaadey in Dhuusamareeb ay tahay caasimada Galmudug, sidaasi darteeda gogoshii dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug waxay taalaa halkan," ayuu daba dhigay.

Hasa ahaatee, qaar kamid ah odayaasha Cadaado, xarunta baarlamaanka maamulkan, ayaa qaadacay warka kasoo yeeray Khayre ee ku aadan in Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug uu ka dhacayo caasimad goboleedka Galgaduud.

Ra'iisul Wasaaraha oo dhankooda horey ula kulmay ayey ku eedeeyeen in uu hareer maray wacad ay kala dhigteen oo ku aadan halka la dhigayo gogosha, iyaga oo ku tartarsiiyey in uu "balanta adkeeyo".

"Hadalka ra'iisul wasaaraha waan kasoo horjeednaa, maxaa yeelay wuxuu nagu sameeyay ballan-fur. Ma aqaleyno in awoodihii Galmudug oo idil loo raro Dhuusamareeb," ayay ku doodeen cuqaasha oo saxaafada la hadlay.

Xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in tani ay sii cakirineyso khilaaf salka ku haya awood qeybsi oo maamulka Galmudug la daalaadhacayo tan iyo markii la aas-aasey, taasi oo hadda u muuqata in ay weji horleh yeelaneyso.

Ahlu Sunna oo gobolada hoos-yimaada Galmudug badankooda iyada maamusha ayaa nan qeyb ka aheyn aas-aaskii Galmudug, balse waxay kusoo biirtey kadib heshiis ay garwadeen ka ahayd Jabuuti iyo IGAD.

Dastuurka Galmudug waxaa ku qoran in Dhuusamareeb ay tahay caasimada maamulka. Balse reer Cadaado waxaa lagu qanciyey in la siiyo xarunta baarlamaanka kadib heshiiskaasi.

Hogaanka koox diimeedka oo heshiis qarsoodi ah la galay dowlada federaalka ayaa ku qasabtey in uu Xaaf is-dhiibo, kaasi oo hadda u muuqda in uu u hogaan-samey dalabyada xukuumadda.

Madaxtooyadda ayaa ku eedeysan in ay farogelin ba’an ay ku hayso maamulada dalka ka jira si gaar ah Galmudug iyo Jubbaland, waxaana dhinacyadda daneynaya ay ku booriyeen in ay joojiso gacma-gacmeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM