Hanti Dhowrka oo ka walaacsan Warbixinta musuq-maasuqa DF lagu soo bandhigay
MUQDISHO, Soomaaliya - Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye], ayaa walaac ka muujiyay warbixinta Guddiga Maaliyadda ee Gollaha Shacabka, taasoo shaaca ka qaadey in Wasaaradda maaliyadda iyo hay’addaha kale ee dowladda ay ku kaceen wax is daba marin iyo musuq-maasuq baahsan.
Warqad kasoo baxday 22-ka November Xafiiska Hanti Dhowrka, oo cinwaan looga dhigay "Iftiimin iyo Talo" ayaa loo diray Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo.
Hanti Dhowraha ayaa sheegay in walaaciisa uu yahay in Warbixinta Gudiiga Maaliyadda oo loogu tala-galay gudaha Baarlamaanka [Internal Memo] u gudubtay Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed, oo sida uu qabo ahayd in laga qariyo musuq-maasuqa.
Hanti Dhowrka Guud oo mas'uul ka ah kormeerka iyo ka-warheynta dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee dowladda Federaalka ayaa kamid ah Illaha uu Guddiga Maaliyadda ka helay xogaha ku xusan Warbixinta banaanka soo dhigtay malaayiin dollar oo la lunsaday.
Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in lacag gaareysa 20 milyan oo dollar oo kamid ah 50 milyan oo dollar, oo deeq ahaan boqortooyadda Sacuudiga u siiyay dowladda Federaalka ay ka maqan tahay miisaaniyadda 2018, taasoo si qaldan loo maamulay, uguna dhacday akoono gaar ah.
"Dowladda Federaalka waxay $50 million oo dollar ka heshay Sacuudiga 2017, waxay qarash-gareysay $30 million isla sanadkaas, waxayna Wasaaradda maaliyadda xilligaasi balan-qaadey in $20-ka Milyan ee haray kusoo dareyso miisaaniyadda 2018, balse kuma soo darin, kama muuqaan dakhliga dowladda soo galay intii u dhaxeysay January ilaa August 2018," ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga Maaliyadda Gollaha Shacabaka.
Waxa kaloo Guddiga ku eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda inay shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka ay ka qaado lacago badan hab aan waafaqsaneyn xeerarka maaliyadeed, kadib markii aysan ku shubin Bangiga dhexe, iyadoo loo bixiyay magac kale oo ah "qaaraan".
Fadeexadda musuq-maasuqa waxay sidoo kale hareysay maamulka Gobolka Banaadir, oo isna si qaldan u maamulay lacag gaareysa $16 million oo dollar taasoo soo gashay intii u dhaxeysa January ilaa June ee 2018.
Lacagahan ayaa la sheegay in loo isticmaalay dano shaqsi, iyadoo $ 6 million kamid la siiyay shaqsiyaad lagu tilmaamay la-taliyeyaal aan magacaabaneyn ama aan heysan qandaraas la talin ah.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyay inuu lusaday lacagtan faraha badan, iyadoo uusan wax u qaban dib u dhiska Muqdisho oo wadooyinkeeda biyo fadhiyaan oo nalalkii cad-ceeda ku shaqeynayay ay u densan yihiin dayac-tir la'aan.
Gollaha Wasiirada Soomaaliya ayaa magacaabay Hanti Dhowrka Guud Maxamed Cali Afgooye August, 2017, isagoo bedelay Hanti dhowrkii hore Nuur Faarax ee xilka looga qaaday dilkii Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Cabaas Siraaji.
HALKAN HOOSE KA AKHRI QORAALKA HANTI-DHOWRKA:
GAROWE ONLINE