Hardanka doorashadda guddoonka baarlamaanka 11aad ee dalka

Image
Marka laga soo tago iska caabinta maamulka Farmaajo, mucaaradka ayaa dhinacyo u kala saftey.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabtida maanta ah dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta isku diiwaangeliyay qabashada Guddoonka labadaas Gole ee Baarlamaanka 11aad sida ku cad jadwalka guddiga codaynta gudoonka labada aqal.

Guddiyada Qaabilsan Doorashooyinka Guddoonka labada Gole oo kaashanaya Guddoonkooda KMG ah ayaa diyaariyay jadwal lagu hagayo hadal jeedinta musharixiinta sida daqiiqada & sida ay u kala horreeyaan Musharixiinta.

8 musharax ayaa isu diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, waxa ay kala yihiin: -

  1. Cabdirashiid Maxamed Xidig.
  2. Cabdullaahi Aadan Axmed Black.
  3. Aadan Maxamed Nuur Saransoor.
  4. Xasan Cabdinuur.
  5. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
  6. Saadiq Cabdullaahi Cabdi.
  7. Shariif Maxamed Cabdalla
  8. Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Mucaaradka iyo maamulka waqtigu ka dhacay ayaa ku loolamaya guddoonka Golaha Shacabka iyadda oo musharaxiin madaxwayne oo isku-aragti ahaa ay ku kala fogaadeen hardanka hogaanka baarlamaanka 11aad.

Musharax weliba oo u taagan qabashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa la siiyay min 15 Daqiiqo oo hadal jeedin ah si uu ugu soo bandhigo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsiga uu ka rabo xildhibaannada codeynaya.

Maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay keliya dhageysanayaan hadal jeedinta Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golahaas ee Baarlamaanka 11aad JFS maadaama berri 24-ka April 2022 loo dhigay khudbadaha ku xigeennada 1aad & 2aad.

Dhanka Aqalka Sare, waxaa maanta la dhageysanayaa hadal jeedinta Musharixiinta Guddoomiyaha, ku xigeennada 1aad iyo 2aad oo aan loo kala qaadin sida Golaha Shacabka oo labo cisho la kala siiyay musharixiinta.

Senatarada u tartamaya Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ee Aqalka Sare waxaa wadajir loo siiyay waqti isla eg oo min 20 daqiiqo ayuu musharixiiba uu fursad u heli doonaa si uu ugu soo gudbdiyo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsigiisa.

Doorashada Soomaaliya waxaa hareeyay mudo ka badan sanad khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dalka, Dowlad-goboleedyada iyo saamilayda kale ee siyaasada taas oo dib u dhigtay codaynta wadanka oo ay eheed in ay qabsoonto February 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM