Haweenay baal-dahab ah ka gashay taariikhda Wasaarada Difaaca XFS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jihaan Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa loo magacaabay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, sida ku xusan wareegto.

Digreetada oo ku taariikheysan 1-da bisha August ee sanadkan 2019-ka kana soo baxday xafiiska Wasiirka Difaaca, Xasan Cali Maxamed [Amardambe] ayaa waxaa lagu ogeysiiyey dhamaan hay’addaha dowladda.

Inta la og-yahay illaa iyo haatan, Jihaan oo baal-dahab ka ah ka galeysa taariikhda Soomaaliya iyo Wasaarada ayaa noqoneysa haweenaydii ugu horeysay oo jagadaasi si rasmi ah loogu magacaabo.

Tani oo dhiirogelin siineysa gabdhaha wax bartay ayaa waxay kordhineysaa tirada haweenka ee xilalka muhiimka ah ka haya xukuumadda hadda jirta.

Sidda uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya, haweenka ayaa waxay ku leeyihiin hay’addaha dowladda qoondo gaareysa 30%.

Inkasta oo ay aad u dhaliilaan dumarka qoondadaasi loo qorsheeyay, haddana waxaa barbar socda olale balaaran oo ay ku doonayaan in ay ku kordhiyaan.

Sikastaba ha haaatee, fal-celin xoog leh isla markaana balaaran ayay baraha bulshadda ka dhex-abuurtay magacaabida Jihaan, wallow dadka ka hadlaya ay aragtiyo ismaandhaafsan ka bixinayaa.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM