Kenya oo xukun ku riday haweenay Soomaali ah oo laba dambi loo haysto

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa Jimcadii haweenay Soomaali ah ugu ganaaxday Shan Milyan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 49-kun oo dollar in ay qaab sharci daro ah ku gashay wadankaasi.

Muna Xuseen ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay si qaanuunka baalmarsan ku deganeed wadankaasi iyo in ay dooneysay in ay ku safarto baasaboor la sheegay in uu been abuur yahay.

Garsooraha maxkamada ayaa dhageystay in Muna lagu qabatay 15-kii Maaj garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta xili ay isku dayeysay in ay ugu socdaasho Belgium iyadoo adeegsaneysa baasaboor Czech oo been abuur ah.

Xeer-beegtada ayaa intaasi ku dartay in mas'uuliyiinta wadanka Czech ay kusoo war-geliyeen laanta socdaalka Kenya in baasaboorka muwaadinkaasi Soomaaliyeed uu yahay mid bug ah.

Muna oo aanan lasoo bandhigin da’deeda, oo la sheegay in ay qiratay dambiga lagu soo eedeeyay, ayaa waji doonta 38 bilood oo xabsi ah hadii aysan bixin lacagtaasi ganaax ah ee garka loo geliyay.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, Muna oo kasoo muuqatay maxkamada ayaa sheegtay in ay dooneyso in laga qafiifiyo xukunkaasi, ayna ku dooday in uu yahay qaladkii ugu horeeyay oo ay gashay.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa sii daysay Abukar Zuherya oo lagu xukumay isla qiimahaasi lacageed oo ganaax ah markii ay ku waysay wax dambi oo ku aadan in uu Kenya ku joogay sharci daro uuna adeegsaday baasaboor been abuur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuldareystay inuu mideeyo madaxda Federaalka

Balse maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa astaan u ah kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii qotomeysa.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 11:33AM

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM