Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Image
Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

Nairobi (GO) - AUN Hodan Gaabo oo Caan ka ahayd aalada TikTok iyo guud ahaan baraha bulshada, ka dib ay shil ku gashay wadada xiriirisa Nairobi iyo Gaarisa ee dalka Kenya.

Hodan ayaa riwaayado dhiirigelin, wacigelin iyo shactaro isugu jira ku soo bandhigi jirtay baraha ay bushada ku wada xiriirto, iyada oo isla markaana ku xirnaa ku dhawaad 600 Kun oo qof.

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh ee ku timid Hodan Gaabo iyaga oo tacsi u diray qoyskeeda iyo eheladeeda.

Walaalka la dhashay Hodan Gaabo oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay ayaa xaqiijiyay geerideeda isaga oo yiri: ”Hodan weli ma guursan oo caruur uma joogin qof wanaagsan ayayna aheyd”.

Hodan ayaa ku wajahneyd magaalada Gaarisa, iyada oo halkaas u socotay howlo shaqo, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehellada marxuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM