Haweenka Jubaland oo codsaday in laga qayb geliyo Baarlamaanka

Image

October 1, 2014 (GO)- Xili magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland uu ka soconayo shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta waxaa hoolka shirku uu ka socdo ee Caymiska ku kulmay ururuda haweenka gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Wakiilo ka socday Dowlada Federaalka, IGAD iyo AMISOM ayaa madasha ku sugnaa, waxana sidoo kale halkaa hadal dheer ka jeedisay wasiirada arrimaha haweenka iyo qoyska Marwo Qamar Deeq ayadoo dumarka ugu baaqday in ay xoojiyaan dadaalladooda ku aadan nabadeynta.

Qaar kamid ah dumarka goobta ka hadlay ayaa maamulka ugu baaqay in laga siiyo xubno muhiim ah baarlammaanka Jubbaland oo hadda soo xulidiisu gebo gebo ku dhowdahay.

Dhamaan mas'uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa dumarka ugu hambalyeeyey dadaalada nabada ee ay wadaan waxayna ugu baaqeen inay sii wadaan dadaaladooda ku aadan dib heshiisiinta iyo barbaarinta jiilasha cusub.

Waa markii u horeysay oo tiro dumar ah oo intaan la'eg magaalada Kismaayo ku kulmaan tan iyo markii la dhisay maamulka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM