Hay’adda King Salmaan oo dalka keentay Gargaar loogu talo galay danyarta

Image
Mashruucan ayaa ka mid aha Mashaariicda Gargaarka ee ay bixiso Haya’adda.

Muqdisho, Soomaaliya - Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin Foundation oo kaashanaysa xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo ee King Salmaan,ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelinayso Mashruuca Sakaatul Fidriga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Sannadkan 1445-Hijriyadda/2024.

Haya’adda ayaa gaarsiin doonta dadka danyarta ah ee Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir Raashin dhan 646 Ton.

Mashruucan ayaa ka mid aha Mashaariicda Gargaarka ee ay bixiso Haya’adda Gargaarka ee King Salmaan kaas oo ay ku taageerto Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa uga mahadcelisay Haya’adda Gargaarka King Salmaan taageerada ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed kuwooda nugul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM