Haysom oo tooshka ku ifiyay Musuq-maasuqa iyo sida loo ciribtiri karo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqey dowladda Federaalka in ay xoojiso ku dhaqanka sharciga si loola dagaalamo musuqmaasuqa dalka la degay.

Nicholas Haysom, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada in la dhiso hay'ado ku shaqeeya isla-xisaabtan iyo hufanaan, taasoo ka caawinaysa Soomaaliya inay ka baxdo liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan.

"Musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la'aanta waxay caqabad ku yihiin horumarka iyo xasilloonida," ayuu Haysom ku sheegay hadal uu ugu tala-galay Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

Haysom wuxuu sheegay in qof kasta looga baahan yahay inuu tallaabo qaado, mid weyn ama mid yar, si loo xakameeyo musuqmaasuqa, loona hirgeliyo hanaanka hubinta iyo xoojinta dhaqanka sharafta.

"Waxaan rabaa in si gaar ah ugu hambalyeeyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha hogaaminta dedaallada dawladda ee wax ka qabashada musuqmaasuqa," ayuu yiri Haysom.

Soomaaliya kamid ma ahan dalalka saxiixay Axdiga Qaramada Midoobay ee Ka hortagga Musuqmaasuqa, oo sannadguuradiisii 15aad loo dabaal degayo maanta, 9-ka December 2018.

Tan iyo burburkii, Soomaaliya waxay safka hore uga jirtay wadamada ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo dowladda haatan jirta ay u xirtay dhawaan mas'uuliyiin dhowr ah musuq-maasuq.

Guddiga Maaliyadda Gollaha Shacabka ayaa sidoo kale bishii lasoo dhaafey daabacey warbixin uu ku sheegay in miisaaniyadda 2019 ay ka maqan tahay 42 milyan oo dollar, taasoo la lunsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM