Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Suna oo la dhameystirayo

Image

DHUUSAMAREEB - Waxaa maanta oo Khamiis ah la filayaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirweyne lagu dhameystirayo heshiiska-awood-qeybsiga ee Galmudug iyo Ahlu Suna ku saxiixdeen December magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada ayaa waxa uu xalay kulamo la qaatey dhinacyada Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxgarad iyo Odayaaal dhaqan oo uu kala hadlay dhaqan-gelinta heshiiska.

Munaasabada ay ku midoobayaan Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa waxaa ka qeybagalaya Madaxweyne Farmaajo, hogaamiyaasha dowlad goboleedyada, marka laga reebo Axmed Madoobe, Xildhibaanno iyo wafuud ka socota beesha caalamka.

Waxaa lagu soo waramayaa in Beesha Saleebaan ee deggan Cadaado ay ka biyo diidan yihiin ka qeyb-galka Shirweynaha midowga Ahlu Sunna iyo Galmudug, iyagoo saluugsan Heshiiska labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u diray Cadaado Xildhibaannada kasoo jeeda Cadaado oo uu horkacayo Abshir Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare si ay usoo qanciyaan beesha gadooday.

Beesha Saleebaan Heshiiska Awood-qeybsiga Ahlu Sunna iyo Galmudug waxay ku tilmaantay mid aan ka tarjumaynin danaha reer Cadaado, maadaama xilalka ugu sareeya waxba laga siinin, Caasimadiina laga dhigay Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir oo kasoo jeeda Beesha Cayr waxaa la siiyay xilka Madaxa Gollaha Wasiiradda [Ra'iisul Wasaare], Gudoomiyaha Baarlamaanka Beesha Murusade halka Madaxweyne Xaaf uu yahay reer Gaalkacyo.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa haddana waxaa maamulka Galmudug loo rararayaa Dhuusamareeb, iyadoo Cadaado, oo markii hore maamulka lagu aas-aasay, waxaana taasi u cuntami waysay Beesha magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uusan kasoo tagin Cadaado kala hadlay arinta Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Saleebaan, balse kulamadaasi ay kusoo dhamaadeen natiijo la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM