Heshiisyadda uu Farmaajo "saxiixayo" kadib safarkiisa Ruushka

Image

MOSCOW, Russia – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu dhowaan socdaal ugu ambabaxo dalka Ruushka, si uu uga qeybgalo Shirka Ruushka iyo Qaaradda Afrika.

Kulan-madaxeedkaasi oo ka qabsoomaya magaaladda dalxiiska loo tago ee Sochi inta u dhaxeysa October 23-24 ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweyneyaasha 40 dal oo ka socda qaaradda Afrika.

Cabdullaahi Maxamuud Warsame, danjiraha xukuumadda federaalka u fadhiya dalkaasi qabowga caanka ku ah, ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in Farmajo uu la kulmi doono dhigiisa Russia, Vladimir Putin.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga labadda waddan ayaa sidoo kale waxay qeyb ka noqon doono is-aragyadaas, sidda uu ka dhawaajiyey safiirka.

"…Waxaan u maleynayaa in wax wanaagsan ay kasoo bixi doonan, waana arki doonaa xiriirka labadda dal oo wanaagsanaada," ayuu Warsame ku sheegay wareysi dheer oo uu siiyey Sputnik.com.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo diblumaasiyadeed, dhinacyadda ayaa wada hadalkooda xooga ku saaraya iskaashi ay labadda ka yeeshaan gaashaandhiga, arrimaha dibadda iyo kheyraadka.

Warbixinadda ayaa intaasi raacinaya in ay jiri doonan heshiisyo la saxiixi doono oo ku saabsan milatariga iyo in Ruushka uu dhoofsado kalluunka Soomaaliya, mid kamida kheyraadka uu caanka ku yahay dalkan.

"Ruushka wuxuu muujiyey xiiso uu u qabo in uu soo dhoofsado kalluunka Soomaaliya," ayuu Warsama hoosta ka xariiqay.

Shir madaxeedka, oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah, ayaa lagu wadaa in ay si wadajir ah u shir gudoomiyaan hogaamiyeyaasha Masar iyo Russia, Cabdul Fataax El-Sisi iyo Puntin.

Ruushka iyo Soomaaliya oo lahaa cilaaqaad taariikhi ah kahor dagaalkii sokeeye ee waddanka Geeska Afrika ka dhacay 1991-dii ayaa haatan u muuqda in ay dib boorka uga jafayaa xiriirkooda uu mad-madowga soo galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM