HirShabelle iyo IOM Soomaaliya oo ka shiray xoojinta wadashaqeynta

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Madaxa IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta mashaariicda socota, waxana si gaar ah loo dul-istaagay mashaariicda la xiriirta xasilinta.

Madaxa IOM Soomaaliya Frantz Celestin ayaa dhankiisa xusay inay ka go’an tahay shaqo wadajir ah in la qabto taas oo guul u ah shacabka Hirshabeelle.

“Hirshabeelle waxa ay idin kaga mahadcelineysaa howlaha hufnaanta leh ee aad kala shaqeyneysaan oo ay ugu horeeyaan mashaariicda xasilinta oo ka socda degmooyin iyo deegaano badan oo Hirshabeelle ah iyo kuwa kale uu qorshahooda uu socdo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay IOM doorkooda shaqo ay la leeyihiin Dowladda Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM