HirShabelle oo mar kale ku hagoogatay kursiga Fahad Yaasiin

Image
Maamulka Guudlaawe ayaa dalbaday Guddiga doorashooyinka heer federaal iney fasaxaan kursiga HOP086.

JOWHAR, HirShabelle – Madaxtooyada maamulka HirShabeelle ayaa ku hagoogatay oo taageero xooggan u muujisay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo weli kursigiisa HOP086 uu ka xayiran yahay dhanka guddiga doorashada heer federaal (FEIT).

HirShabeelle ayaa dalbatay ka dalbatay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka.

Qoraalka HirShabeelle ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga doorashooyinka heer federaal uu xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, halka uu go’aamiyey in lagu laabto doorashada HOP154, balse aanu soo hadal qaadin kursiga Fahad ee HOP086.

Qoraalka madaxtooya Hirshabeelle ayaa sidaan u qornaa.

Ujeedo: Fasixid si shuruud la’aan ah kursiga HOP086.

Dowladda Hirshabelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabelle waxay caddeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

Dowladda Hirshabelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay Gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameystirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay caddeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac khaldan ah, balse loo heysto dano siyaasadeed, taasina waxaa caddeyn u ah in Guddiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay, iyadoo aysan jirin wax habraac khaldan ah oo la saxay, arrintuna ay tahay anigaa qabsaday, anigaana fasaxay, taasoo muujineyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambayn Dowladda Hirshabelle waxay ugu baaqaysaa Guddiga FEIT inay fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran, si looga fogaado wax kasta oo dib u dhac u keeni karo doorashada dalka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM