HirShabelle oo “wadatashi” u balanqaadey Xildhibaanada ku mata federaalka

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu guux siyaasadeed ka jiro baarlamaanka federaalka kaas oo ay gadaal ka riixayaan mucaaradka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle ayaa caawo munaasabad casho-sharaf ah kala qeyb galay wafdiga labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo Jowhar u yimid ka qeyb galka furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Xubnaha labada aqal ee BJFS ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle safarkii dheeraa iyo horumarada uu ka sameeyay deegaanada iyo degmooyinka laga xorreeyay Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa intaas ku daray “Taladiina, wada-tashigeena iyo wadajirkeena ayaa horumar noo ah, Isku-duubni aan ugu dhaqaaqno xorreynta Galbeedka.”

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa berri si rasmi ah u furi doono Kal-fadhiga Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM