Hogaamiyaasha Soomaaliya oo kuwa sugan Baydhabo iyo waxa laga filayo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ku hooyday xalay dhamaan madaxda Soomaalida oo isugu jira kuwa maamulada iyo kuwa dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa wuxuu yahay midka ugu sareeya ee qeybta ka ah madaxda halkaas ku sugan iyadoo sidoo kale uu ku jiro wufuuda halkaasi gaarey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Hogaamiyaasha maamualda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iyagana xaadir ku ah Baydhabo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] ayaa markii ugu horeysay gaarey Baydhabo tan iyo markii xilkaas loo magacaabay horaantii sanadkan.

Dhamaan madaxda ayaa waxay ku houdeen Aqalka Madaxtooyadda ee Koonfur Galbeed, iyagoo yeeshay Kulamo gooni-gooni ah kuwaasoo hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo lagu wado inuu saacadaha soo aadan uu gurmo.

Amaanka Magaalada ayaa wuxuu yahay mid si wayn loo adkeeyay waxaana jirin wax dhaqdhaqaaq ah meelaha ku dhaw goobta uu ka furmaya shirka amniga qaranka.

Shirka Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro Qeysbiga Kheyraadka dalka, Amaanka guud ahaan ee dalka, Khilaafka madaxda maamulada qaar kala dhaxeeya kuwa Dolwada Federaalka, midka madaxda Galmudug iyo kuwa kale.

Shirkaan ayaa waxaa la rajeynayaa inuu qaato maalmo iyadoona sida uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed qorshuhu yahay in lagu soo gaba gabeeyo Labo cisho/maalin.

Gaba gabadda waxaa la rajeynayaa in laga soo saaro war-murtiyeed kaasoo ay isku raac-san yihiin dhamaan dhinacyadii shirka ka qeyb-gashay, kuwaasoo Shacabka Soomaaliyeed u sharxi doono wixii lagu heshiiyay.

Dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay ka bixinayaa kulankaan aragtiyo kala duwan - Qaar ayaa sheegaya in wax natiijo ah uusan kasoo bixi doonin, halka kuwa kale ay qabaan in ugu yaraan wax wanagasan la filan karo.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM