AlShabaab oo mowqif ka qaadatay kiiska badda ee Soomaaliya-Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – AlShabaab ayaa waxay baahisay cod cusub oo ku saabsan hogaamiyaheeda, Axmed Diiriye Abu Cubeyd; codka wuxuu u muuqdaa mid dhowaan la duubay.

Fariinta oo soconaysa 20:39 daqiiqadood ayaa waxa uu Abuu Cubeyd uu kaga weerararadii bishii July ee magaaladda Kismaayo iyo is-miidaamintii xafiiska duqa magaaladda Muqdisho.

Gulufkii huteel Cascasey ee caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ayaa lagu khaarijiyey ku dhowaad 20 ruux oo ay ku jiraan Soomaali caan ah oo haysatay dhalashadda dalal kale.

Abuu Cubeyda ayaa waxa uu sidoo kale soo hadal-qaadayaa dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladaha deriska ah ee Soomaaliya-Kenya.

Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo ay fulisay haweenay aragga camoole ah kana mid ah mas'uuliyiinta maamulka ayaa galaaftay Injineer Yariisow, duqii magaala madaxda dalka.

Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo ay fulisay haweenay aragga camoole ah kana mid ah mas'uuliyiinta maamulka ayaa galaaftay Injineer Yariisow, duqii magaala madaxda dalka.

Xukuumadda Nairobi ayuu ku eedeeyay "in ay isku dayeyso qabsashadda biyaheena", isaga intaasi raaciyey in AlShabaab ay kasoo horjeedo "xukun kasta" oo ay Maxkamada ICJ rido.

Dhageysigan gal-dacwadeedkan oo taagan tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii balse haatan maraya heer gabagabo ah ayaa waxa la bilaabi doonaa dhageysigiisa bisha Novembe 2019.

Kiiskan oo ku saabsan goob badkeedu yahay 100 KM isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska ayaa qodxo u yeeshay xiriirka labadda waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM