Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya

Image

BUUR HAKABO, Soomaaliya - Hogaamiye katirsan Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Baay.

Hogaamiyan oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali ayaa lagu soo bandhigay xarunta Booliska magaalada Buur Hakabo, isagoo wata qorigiisa AK-47.

Saraakiisha amaanka degmada ayaa sheegay in Ibraahim uu xariir lasoo sameeyay ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka kahor inta uusan kasoo goosan Al Shabaab.

Sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markuu arkay dhibaatooyinka Kooxda Al Shabaab ay ku hayso shacabka uu go'aansaday inuu isaga soo baxo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tan iyo markii Mukhtaar Roobow isku soo dhiibay dowladda bishii August ee 2017 ay sii kordhayeen xubnaha Al Shabaab ee dhankooda ysoo goosanaya.

Tan iyo sanadkii tagey, in ka badan 50 Al shabaab oo hogaamiyaal ay ku jireen ayaa kasoo baxay safafka Kooxda waxayna u baxsadeen dhanka dowladda Federaal oo u furtay xaruumo dhaqancelin ah.

Al Shabaab ayaa maamusha dègaano ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo laga saarey dhamaan degmooyinkii waaweynaa wixii ka dambeeyay 2014.

Kooxdan ayaa go'doomisay degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, taasi oo dhibaato dhaqaale iyo sicir barar u keentay shacabka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM