Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya

Image

BUUR HAKABO, Soomaaliya - Hogaamiye katirsan Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Baay.

Hogaamiyan oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali ayaa lagu soo bandhigay xarunta Booliska magaalada Buur Hakabo, isagoo wata qorigiisa AK-47.

Saraakiisha amaanka degmada ayaa sheegay in Ibraahim uu xariir lasoo sameeyay ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka kahor inta uusan kasoo goosan Al Shabaab.

Sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markuu arkay dhibaatooyinka Kooxda Al Shabaab ay ku hayso shacabka uu go'aansaday inuu isaga soo baxo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tan iyo markii Mukhtaar Roobow isku soo dhiibay dowladda bishii August ee 2017 ay sii kordhayeen xubnaha Al Shabaab ee dhankooda ysoo goosanaya.

Tan iyo sanadkii tagey, in ka badan 50 Al shabaab oo hogaamiyaal ay ku jireen ayaa kasoo baxay safafka Kooxda waxayna u baxsadeen dhanka dowladda Federaal oo u furtay xaruumo dhaqancelin ah.

Al Shabaab ayaa maamusha dègaano ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo laga saarey dhamaan degmooyinkii waaweynaa wixii ka dambeeyay 2014.

Kooxdan ayaa go'doomisay degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, taasi oo dhibaato dhaqaale iyo sicir barar u keentay shacabka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM