Hogaamiye katirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay Dad rayid ah u geysteen sarkaal muhiim u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Axmed Nageeye ayaa la sheegay inuu ahaa Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsanaa tuuladda Gaalawar oo duleedka uga beegan magaalada Afgooye.

Sida laga soo xigtey dadka degaanka, dilka Nageeye ayaa yimid markii uu isku deyay inuu Shacabka oo uu meel isugu yeeray uu ucagajugleeyo, taasi oo ay ka biyo diideen, iyaga oo bilaabay olale isaga ka dhan ah.

"Bastooladiisa oo uu lasoo baxay, taasi oo uu rabay inuu dadka ugu goodiyo ayey dadka ka xoogeen iyaga oo kadibna toogtey," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa sababo amni u khariyay.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Gudoomiye Maxamed Ibraahim Barre oo dhacdadani wax uu ka waydiiyey warsidaha Garowe Online wuxuu bogaadiyey talaabada ay shacabku qaadeen.

Barre oo telafoonka ugu waramey GO wuxuu cod dheer ku sheegay in shacabku ay haatan fahmeen "dhibaatada ay Shabaab dhabarka ku sidato" isaga oo tibaaxay inay diyaar uyihiin garab istaagooda.

Baqdin dadka degaanka lasoo dareystay kadib dilkaas ayuu shaaca ka qaadey inay ka difaaci doonan halis walba oo uga timaada kooxda gacan-saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda.

Ma jiro qoraal rasmi ah oo ay Al-Shabaab illaa iyo haatan kasoo saartey dilka sarkaalkaan la sheegay inuu xubin buuxda ka ahaa kooxda magaalada Muqdisho laga saarey 2006-dii, balse wali amniga khal-khal gelineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM