Hogaamiye Sare oo ka tirsanaa Argagixisada oo Maxkamad Ciidan ku Ridday Xukun Xabsi Daa'in ah

Image

Muqdisho (GO): Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa'in ah ku ridday Idiris Maxamed Sheekh oo loo garan og yahay Cabbaas ama Abuu Maxamed. Hore, December 2025, ayay Maxkamada Ciidamada Darajada Koowaad ku xukuntay Idiris Maxamed 15 sano oo xabsi argagixiso ah. Balse, xafiiska xeer-ilaalinta ayaa ka qaatay racfaan xukunkii lagu riday Idiris Maxamed.

Sida ay hay'adaha garsoorka ciidanku sheegeen waxaa Idiris lagu helay in uu waqti dheer ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, xilal sar sarena uu ka soo qabtay Diinsoor, Baydhabo, Bardaale iyo Shabeellaha Dhexe, sidoo kalena uu qayb ka ahaa shirqoollo loo maleegay shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxaa lagu eedeeyay in uu xubin ka ahaa Golaha Shuurada ee Argagixisada.

Bishii Julaay ee 2024-kii ayay ahayd kolkii uu Idiris soo galay gacanta dawladda, isaga oo laga soo qabtay deegaanka Mareer-guur ee Degmada Dhuusamareeb. Xukunkiisii Maxkamadda Darajada Koowaad ee xeer ilaalintu racfaanka ka qaadatay kaddib, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukunka eedaysanaha dhagaysatay ayaa ku xukuntay xabsi daa'in.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM