Hogaanka Ahlu Sunna oo "isku dhiibay" Ciidamadda DF Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Hogaanka ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu waramayaa in uu isku dhiibay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in loogu galay gudaha xarunta INJI, oo ah fariisinka ugu weyn ee ururkaas.

Talaabada Shaakir iyo Maxamuud ayaa kusoo aadeysa iyaddoo dagaalo qaraar uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socdeen xarunta gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey 20 qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaaladda oo ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo saldhiga degmada Guriceel.

Ma cadda talaabada xigta oo laga qaadi doono hogaanka Ahlu Sunna oo la tilmaamay in ay kolkii hore dalbadeen in ay isku dhiibaan Ciidamadda AMISOM.

Wararka ayaa intaas ku daraya in is-dhiibitaanka ay xubnahaan ku qasabtay markii ciidamadooda ay badankooda isu-gacan geliyeen Ciidamadda Dowladda Federaalka ah kadib markii laga awood-roonaadey.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa soo afjareysa khilaafka Villa Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ka dhashay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb, taasoo ay ka dhasheen madaxweyneyaal saddex oo is-diidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM