Hogaanka Ahlu Sunna oo faarujiyey magaaladda Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka ugu sareeya maamulka Ahlu Sunna ayaa gebi ahaanba isaga baxay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo ku dhow xukuumadda.

Xubnaha ka hayaamay magaaladda ayaa waxaa kamid ah; Sheekh Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, aas-aasaha ururkaas iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxa xukuumadda dowlad goboleedkaas.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in xubnahan oo ay wehliyaan cutubyo ciidamo aad u hubeysan ay degaan ka dhigteen tuulo duleedka ka ah Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ku sugan yihiin.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay faarujinta xarunta gobolka Galgaduud, balse waxay imaaneysaa ka gedaal markii Ahlu Sunna dhexdeeda ay soo kala dhex-gashay kala qeyb-sanaan weyn.

Daraf kamid ah ururkan ayaa taageeray dedaaladda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wado Dhuusamareeb oo uu kamid yahay Shirka Dib-uheshiisiinta, halka garabka kale uu kasoo horjeestay.

Xogta la helayo ayaa muujineysa in arrimaha ismaadhaafka keenay ay qayb ka tahay sugitaanka amniga Dhuusamareeb, halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay dowladdu ciidamo dheeraad ah daabushay.

Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay ka baxday qodobadii ay ku heshiiyeen, wallow aysan si faahfaahsan uga shaacin arrimahaasi.

Dhinaca kale, warar soo baxay saacadihii hore ee Talaada maanta ah ayaa tibaaxaya in ciidamo ka socday AMISOM gaar ahaan qaybta Jabuuti laga hor istaagay in ay galeen gudaha Dhuusamareeb.

Xoogaga Midowga Afrika oo kasoo baxay Beledwayne ayaa waxaa lagu hakiyey duleedka Matabaan, halkaasi oo ku joojiyeen maleyshiyaad taabacsan Macalin Maxamuud, wallow uu u socdo waan-waan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM