​Hoobiyaal lagu weeraray garoonka diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU- Wararka aan ka helayno madaarka diyaaradaha magalada Muqdishu, ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab xalay hoobiyaal ku weerareen garoonkaas iyagoo beegsanayaa xerada Xalane oo ay daganyihiin ciidamada ka socda Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga dalka Somalia. 

Falkan oo aysan weli ka hadlin dowladda Somalia, waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay xarakada Al-Shabaab kadib warbixinno ay soo dhigeen baraha bulshada, iyagoo xusay inay weerarkaasi la damacsanaayeen AMISOM. 

Ilaa hadda majirto khasaaro rasmi ah oo weerarkaasi ka dhashay, balse goob joogayaal kusugan Xamar, ayaa warbaahinta u sheegay inay tiro hoobiyaal ah ku dhaceen madaarka iyadoo daryanka madaafiicdaasi laga maqlayay degmooyinka gobolka Banaadir qaybo kamid ah. 

Weerarkan, ayaa yimi xilli dhawaan bamb lagu weerar diyaaradda Daalo, waxaana falkaas dowladda Somalia u xir-xirtay 20 ruux oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen arrinkaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM