Hoobiyeyaal lagu weeraray Villa Soomaaliya xilli uu jiro walaac amni

Image
Weerarkan ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhasho khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro madaafiic ah ayaa caawa ku dhacdey nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho. Weerarkan ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhasho khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Falkan wuxuu imaanayaa xilli safaaradaha reer galbeedka ee ku sugan Muqdisho ay digniin culus oo amni uu soo saarey goorsii horeysay oo maanta ah.

Dhanka kale, ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xalay gaaf-wareegayay jidadka Muqdisho xilli baro kontaroolo dheeraad ah lagu soo kordhiyay Jidadka-ka caasimada jamhuuriyada federaalka, Soomaaliya.

Talaabooyinkan ayaa ka turjumaya walaaca amni ee sii kordhaya waxayna kusoo beegmayaan xilli weeraro lagu ekeeyay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa saacadihii hore ee maanta waxa uu ka digay in Muqdisho ay martigelin karto weeraro dhiig badan ku daato isaga oo muwaadiniintiisa ugu baaqay feejignaan dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM