Horjooge aad ugu dhowaa amiirka kooxda AS oo lasoo qabtey

Image
Idiris Maxamed Sheekh ayaa waxaa la sheegay inuu ka howlgalayay gobolka Galgaduud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen Gobalka Galgaduud ayaa lagu qabtay Idiris Maxamed Sheekh oo la sheegay inuu kamid ahaa Al-Shabaab.

Idiris ayaa lagu waramay inuu ahaa horjoogaha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida u uruuriya lacagaha baadda ah ee ay ugu yeeraan Sakada ee gobalka Galgaduud

Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Al-sHABAAB ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aanan laga xoreyn Guud ahaan Gobalkaas.

Idiris ayaa sidoo kale ka soo howlgalay gobalada Baay iyo Bakool, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha Al-Shabaab ee Axmed Diiriye

"Hay’adaha Amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha Khawaarijta ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed," ayuu wariyay TV-ga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM