Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu dilay xubno uu ku jiro sarkaal Ajnabi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidanka xooga Soomaaliya ayaa wuxuu maanta oo Arbaco ah wuxuu sheegtay in howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in xubnaha la dilay ay labo kamid yihiin horjoogayaal sarre.

Muuse ayaa daboolka ka qaaday in mid kamid ah saraakiisha uu abaabulay weerarkii dhimashada badan sababay ee 14-kii October 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka kale ayuu carabka ku dhuftay inuu udhashay dalka Pakistan, inkasta oo uusan shaacin magacyadda xubnahaan sarre oo uu tilmaamay in lagu khaarijyey howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda.

“Ragii ugu cuslaa ee Qaraxii Zoobe ka qayb qaatay ayaan ku dilay howlgalka. Nin kae oo udhashay Pakistan ayaan dilnay, oo isana kuwa Miinoouinka dhigta kamid ah,” ayuu hadalkiisa udhigay Abaanduulaha.

Ma jiro jawaab rasmi ah oo ay kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda kasoo saartay sheegashada taliska milatariga Soomaaliya, taasi oo kusoo aadaysa xili uu socdo guluf ka dhan ah dagaalamayaasha Shabaab.

Bishii hore ayay ahayd markii taliska ciidanka xooga Soomaaliya ee degaanada Koonfur Galbeed uu sheegay inuu howlgal ku dilay sarkaal Shabaab oo Ajnabi ah, kaasi oo udhashay wadanka Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM