HRW: Xadgudubyo arxan darro ah ayaa ka dhaca Xabsiga Jeel Ogaadeen

Image

JIGJIGA - Hay'adda Xaquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee HRW ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay maanta ku sheegtay in Xabsiyada ku yaalla dalka Itoobiya ay ka dhacaan Xadgudubyo ka dhan Bani'aadanimadda.

Warbixinta oo ka kooban 88 Bog ayaa cinwaan looga dhigay, “Waxaanu Nahay Sida Meydka” iyadoo diirada lagu saarey dhibaatada ay la kulmaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Jeel Ogaadeen, ee ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Baarayaasha Human Rights Watch ayaa ku wareystay baaritaankooda in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan dad horey xabsiga loogu xiray, Saraakiil katirsan dowlad deegaanka iyo xubno kale oo kairsan Ciidamada loo yaqaano Liyuu Boolis.

Waxay banaanka soo dhigtay HRW in maxaabiista ku jira Jeel Ogaadeen, oo rag iyo dumar isagu jira inta badan aysan helin daryeel caafimaad, iyagoo loo diido la kulmidda ehelkooda iyo qareennadooda halka mararka qaarna loo diiddo cunnada.

Tacaddiyadan ay ugu horreeyaan Kufsiga, Jirdilka iyo ceebeynta ayaa ka dhacay Jeel Ogaadeen intii u dhexeysay 2011 ilaa horraantii sanadkan aynu ku jiro ee 2018.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in waxa falalkaan guracan ay geysanayaan ciidamadda sida militeriga u tababaran ee loogu yeero Liyuu Boolis, islamarkaana ka amar qaata maamulka Madaxweyne Cabdi Illey.

Cabdi Illey, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya [DDSI], kaasoo xafiiska jooga muddo ku siman 10 sano ayaa si xoogan loogu cambaareeyay warbixinta HRW, waxaana lagu tilmaamay inuu ka gaabiyay wax ka qabashadda arrimahaan.

HRW waxay hoosta ka xariiqday in maamulka Cabdi Illey iyo kuwa Xabsiyadda ay baaritaanka ku sameeyeen ay diideen inay ka jawaaban eedeymaha ay usoo jeediyeen, ayna xiriiro kala duwan la sameeyeen muddo labo bilood ah, oo kala ah, April iyo May.

Itoobiya ayaa kamid ah dalalka ugu daran ee ay ka dhacayaan xadgudubyada ka dhanka ah bini'aadanimada, inkastoo uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ay dhawaan kahor yimid jirdilka hay'adaha amniga ay Xabsiyada ugu geestaan maxaabiista ay maxkamadaha xukumaan.

Warbixinta HRW ayaa waxay imaaneysaa iyadoo Itoobiya uu ka dhacayo isbedalo balaaran oo uu wado Abiy Axmed, kaasoo Xabsiydda kasoo dayey Maxaabiis uu ku jiro Cabdi Kariin Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa Jabhadda ONLF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM