Hub ay bixisay CIA-da oo loo adeegsaday dagaalkii Boosaaso
BOOSAASO, Puntland – Ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan 2 carruur ah ayaa ku dhintay, tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, hub uu Maraykanku si toos ah u siiyey ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Puntland kuwaas oo kala qaybsamay isla markaana ku dagaalamey gacan ku haynta hanti uu Maraykanku siiyey, sida ay ku warantay warbaahinta VICE World News ee dalka Maraykanka ka dib u eegis madaxbanaan oo ay ku samaysay dagaalkii Boosaaso.
Rabshadaha dhimashada badan ayaa dhacay dabayaaqadii sannadkii hore oo ay dheceem dagaallo maalmo socday oo dhex maray dagaalyahanno ka tirsan Ciidanka Amniga Puntland (PSF), oo ah unug si gaar ah u tababaran oo ay CIA abuurtay oo ay Navy SEALS ay hagayeen tan iyo horraantii 2000-meeyadii. PSF waxaa loo dhisay in ay la dagaalanto kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida.
Ciidankaan Xarunteedu waa magaalada Boosaaso, oo ah magaalo deked weyn oo ku taal Puntland, Dowlad-goboleed ku yaalla xeebta waqooyi ee Soomaaliya.
Saddex ka mid ah carruurta Saciid Shidow – da’dooduna u dhaxayso 8, 12 iyo 35 – ayaa la dilay afar kale oo da’doodu u dhexayso – 6, 8, 9 iyo 13 – waa la dhaawacay ka dib markii hoobiye ku dhacay gurigiisa wax yar ka dib 7 subaxnimo dhammaadkii Desembar.
Carruurtu waxay ku sugnaayeen guriga sababtoo ah dugsigoodii ayaa u xirnaa dagaalka. Shidow ayaa cunto kariye u ah shaqaalaha shirkad ka shaqeysa kaabayaasha dhaqaalaha oo ku taalla meel baxsan magaalada Boosaaso oo magaalada u jirta ku dhawaad 500 oo mayl.
Wuxuu u sheegay VICE World News inuu ku sugnaa shaqada subaxii uu weerarka dhacay, wuxuuna ogaaday kadib markii uu taleefoon ka helay mid ka mid ah wiilashiisa oo badbaaday. Ma jecla inuu ka hadlo wixii dhacay, sababtoo ah waxaa xanuun ku haayay khasaaraha ka soo gaaray dagaalka.
Madaafiicda ayaa sidoo kale waxyeello u geystay isbitaal, xarunta madaxtooyada iyo goobo ganacsi oo deegaanka ah, iyadoo guud ahaan dagaalka uu sababay barakaca la sheegay in ku dhow 100,000 oo qof - ku dhawaad kala bar shacabka Boosaaso. Madaafiicda loo adeegsaday dagaalka ayaa dhamaantood lagu sameeyay Arkansas.
Arkansas waa gobol koonfurta Maraykanka ah oo xuduud la leh Webiga Mississippi.waxay martigelisaa Xarunta Madaxtooyada ee Clinton, oo hoy u ah kaydka madaxtooyada ee Bill Clinton. Gobolkaan oo inta badan lamadagaan ah ayaa lagu farsameeyaa hubka ugu badan ee Maraykanku soo saaro.
PSF waxa ay ku kala qaybsantay dagaal siyaasadeed oo dhiig ku daatay oo gudaha ah oo ku saabsan agabka milatari ee Maraykanku siiyay kooxda ka hor intaysan 750 askari Maraykan ahi ka bixin Janaayo 2021, maxay ahayd mid ka mid ah falkii ugu dambeeyay ee maamulka Trump.
Horraantii toddobaadkan, wax ka yar 24 saacadood ka dib markii ay Soomaaliya dooratay Madaxweyne cusub, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu ansixiyay qorshe dib loogu soo celinayo "Ciidamada dhulka ee ka yar 500" ee Soomaaliya, taasoo meesha ka saareysa go'aankii maamulka Trump. Ciidamada soo laabanaya ayaa tababari doona ciidamada Soomaaliya. Ma cadda in cid dib ugu laaban doonto aagga Puntland.
Markii ay isaga baxeen sanadkii hore, ciidamada Mareykanka ayaa qaatay inta badan hubkooda balse waxaa ay xeryaha uga tageen hub lagu farsameeyay Maraykanka iyo sidoo kale qoryo laga helay ilo kale sida AK-47 iyo qalab kale. Qiimayn dhinaca amniga gudaha ah oo ay si hoose u heshay VICE World News ayaa xustay in madaafiicdu ay sababeen dhimasho iyo burbur badan oo ka dhacay Boosaaso dhamaadkii sanadka 2021.
Qaar ka mid ah Madaafiicda uu Mareykanka uga tagay Soomaaliya ayaa loo sameeyay arrimo tababar, waxaana sidoo kale PSF ay dagaalka ku daad gureysay ciidan ku jiray jiida hore ee dagaalka.
"Duqeymaha waxay u muuqdaan kuwo si aan kala sooc lahayn u dhacay, iyada oo la beegsaday goobo ay ku noolyihiin dad rayid ah," ayaa lagu yiri warbixinta la faafiyay.
Sawiro iyo muuqaalo ay baahiyeen warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay xajmiga dagaalka ka dhacay Boosaaso oo sababay burburka dhismayaal iyo dukaamo ku yaallay bartamaha magaaladda.
Qayb muuqaal ah oo ka baxay TV-ga dawladda Puntland ayaa diiradda saaraysa burbur soo gaaray isbitaalka Ayaan, isbitaalka weyn ee magaalada, iyo mid ka mid ah shaqaalaha isbitaalka oo la dilay.
"Waxaan ku jirnay xaalad aad halis u ah, oo ay dhexmartay laba ciidan oo dagaallamaya," ayay Dr Hinda Jaamac Axmed ku xustay muuqaalka TV-ga dowladda.
Hinda ayaa sheegay in iyada iyo dad kale ay isbitaalka seexdeen muddo saddex maalmood ah, kaddib markii ay si nabad ah uga bixi waayeen. Isagoo ka hadlayay Maxamed Cabdi, shaqaalaha la dilay, Axmed wuxuu sheegay inuu ahaa "lafdhabarta isbitaalka."
PSF ayaa muddo dheer lagu tirinayay mid ka mid ah Unugyada ugu guulaha badan ee ka hortagga al-Shabaab, Puntland waa mid ka mid ah maamullada ugu xasilloon Soomaaliya marka la barbardhigo kuwa kale .
Ku dhawaad 600 oo askari oo skeed u madax bannaan, oo ka madax bannaan gacanta dawladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa kooxdu ka koobantahay.
Si dhab ah looma sheegin cidda leh markaas PSF iyo hantideeda badan – gaar ahaan xarun uu Maraykanku maalgeliyo oo ku yaalla Boosaaso oo ay ku jiraan hub aad u badan.
Caddayn la'aantan ayaa qayb weyn ka qaadatay xiisadda PSF markii Maraykanku ka baxay. “Mareykanku waxa uu tababaray oo uu qalabeeyay ciidan, waxa ayna naga tageen iyaga oo aan sameynin xil wareejinta saxda ah iyo qaabeynta,” cilmi-baare Soomaaliyeed ayaa u sheegay VICE World News. Cilmi-baaraha ma uusan dooneynin in magaciisa la sheego sababo la xiriira amniga shakhsi ahaaneed, sababtoo ah xasaasiyadda mowduuca, oo ku lug leh tiro qoysas Soomaali ah oo awood leh iyo dawladda Soomaaliya iyo Maraykanka.
Markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen xilligii Trump, Soomaaliya waxaa hareeyay muran doorasho oo 15 bishaan lasoo gaba gabeeyay, kadib muddo sanad ah. Dagaalka u dhaxeeya ciidamada PSF-ta Puntland ayaa ah mid sii kordhinaya qalalaasaha siyaasadeed ee qaran ee dalka ka socday dhowrkii sano ee u dambeeyay. Dagaalkii Puntland ayaa joogsaday dhamaadkii sanadkii hore. Waxaana loo soo jeestay doorashada madaxtinimo ee caasimadda dalka ee Muqdisho. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hor maray musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uusan ku guuleysan wareegii 1aad ee doorashada.
Mar wax laga weydiiyey in khilaafka u dhexeeya PSF-ta Puntland uu dib u soo cusboonaado wuxuu yiri cilmi-baadhaha Soomaaliyeed, "Haa, aad ayaan u aaminsanahay." Cilmi-baaraha ayaa sharraxay in aan la xalin khilaafka aasaasiga ah ee u dhexeeya qoyska awoodda leh iyo dawladda Puntland, oo labaduba sheeganaya PSF iyo hantideeda.
PSF waxa ay qayb ka tahay dhaxalka Unugii uu Maraykanku hubeeyey oo uu ku taageerayey horraantii magaca la dagaalanka argagixisada. CIA-du waxay bilowday dhisitaanka ciidanka 2002dii, qiyaastii toban sano ka hor, Navy SEALS waxay la wareegeen hawshii tababarka iyo taageerada unugga. Samayntaas, Maraykanku waxa uu awood siiyay hal qoys oo qoys, “Diyaano”, kaas oo hagayey maleeshiyada 30 sano.
Ugu horrayn Cismaan Cabdullaahi Diano, ka dibna laba wiil oo uu dhalay ayaa kooxda maamulayey. 2018 Maxamed Diano waxa uu bedelay walaalkii Asad Diano oo la tartamay Madaxweynaha Puntland ee hadda xilka haya. Hooyadood waxay ahayd madaxa mashaariicda iyo taageerada saadka ee PSF. Xubnaha kale ee qoyska ayaa la geliyay boosas kale oo hay’adda.
Tani waxay u horseedday qoyska inay u istaagaan hay'ado kale oo kala duwan oo la xiriira amniga, gaar ahaan sida la sheegay, shirkad shidaal, taasoo faa'iido dheeraad ah ka heleysa taageerada Mareykanka ee la dagaallanka argagixisada.
Markii uu Maraykanku ka baxay horaantii 2021, siyaasadda Soomaaliya waxay noqotay mid kacsan. dabayaaqadii bishii November, ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu xilka ka qaadau agaasimihii hay’adda PSF sababo aan caddayn oo lagu eedeeyay arrimo la xiriira dalacsiin balse sarkaalka awooda badan ayaa ka horyimid xil ka qaadista.
Isagoo ka jawaabaya su'aalo la weydiiyay wakiil ka socda taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ma dafirin joogitaanka madaafiicda Mareykanka. Wakiil ayaa u sheegay VICE World News dhanka emailka, “Inkasta oo AFRICOM ay sii wadayso bixinta kaalmada ay siiso ciidamada saaxiibada ah ee Soomaaliya, agabka ugu muhiimsan ee istiraatijiyaddayada ka qeyb qaadashada waxaa ka mid ah barnaamijyada caawinta ciidamada amniga, ka qeybgalka militariga, iyo howlgallada -- dhammaan dhaq-dhaqaaqyada si dhow ayaa loo agaasimay. iyada oo ay wehelinayaan kooxda safaaradda Maraykanka ee dalka iyo dawladda Soomaaliya.”
Wakiilku waxa kale oo uu xusay, "ciidamada Maraykanku wax lug ah kuma laha hawl-gallada ciidan ee ay wada shaqaynta leeyihiin ee Puntland intii lagu jiray bishii December, sidoo kale taliska ma uusan helin wax khasaare ah oo rayid ah oo ka dhan ah dawladda Maraykanka." Wakiilo ka socda dawladda Puntland, PSF iyo saraakiisha Puntland midkoodna kama jawaabin codsiyo ku saabsan in laga hadlo.
Hubka la siiyay PSF ayaa ahaa mid ka dhan ah cunaqabateynta Qaramada Midoobay. Warbixin 2016, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ku xusay "walaac" in Maraykanku aanu u hoggaansamin xeerarka ka hor bixinta hubka.
Jay Bahadur, oo ahaa khabiirka kooxda hubka ee Golaha ilaa 2019 ayaa xusay in madaafiicda – hubkii lagu dilay carruurta Shiidow – ay dhibaato gaar ah ku hayaan deegaan magaalo sida Boosaaso. "Hoobiyayaasha soo bandhigay waxay ku kordhinaysaa colaadda oo aadan horay u arag Puntland," ayuu u sheegay VICE World News.
Horraantii bishii Maarso, Madaxweynaha Puntland ayaa Diano dib ugu magacaabay jagada Agaasimaha, isagoo muujiyay, falanqeeye Soomaaliyeed oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, "saamaynta ka weyn ee PSF-ta oo ah inay ku qasbi karaan dawladda inay iyaga gacanta ku dhigto."
Bishii Disembar hay’adda samafalka ee Save The Children ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya in carruur lagu dilay laguna barakiciyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Mawduuca xasaasiga ah dartood, Save the Children ma faah faahin bayaanka.
GAROWE ONLINE