Ibraahim: Farmaajo awood uma lahan inuu xilka iga qaado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ibraahim Ciidle Suleyman, Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka, ayaa ka hor-yimid xilka qaadistii uu shalay Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay.

Wuxuu sheegay in xilka qaadistiisu tahay mid baal-marsan Dastuurka dalka, islamarkaana Madaxweynuhu uusan awood badan u lahayn inuu xilka ka qaado Gudoomiyaha Maxkamada Sare, sidaas darteeda uusan xilkaas baneyn doonin.

“Garsoorka wuu ka madax banaan yahay awoodaha kale ee dalka. Dastuurka ayaana midaas qeexaya, sababtoo ah wuxuu caddeynayaa awoodaha Madaxweynaha,” ayuu u sheegay Ibraahim Laanta Af-Soomaaliga ee VOA.

“Marka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka xilka laga qaadayo waxaa jira waxyaabo badan oo soo dedejin kara, waxaana kamid ah in da’diisu ka sareyso 65-sano, marka aniga midaas ma jirto, xilkana leygama qaadin,” ayuu Ibraahim hadalkiisa raaciyay.

“Tani waxay ka dhigan tahay in xilka qaadisteyda loo soo marin si sharci ah, sidaas darteeda waxaan caddeynayaa inaan sii wadan doono shaqadeyda, aanan jirin wax xilka qaadis ah oo leyku sameeyay,” sidaasi ayuu ku doodey Ibraahim Ciidle.

Sikastaba, hadii uu Mas'uulkan ku adkeysto in uusan xilka wareejin doonin ayaa waxay tani keeni kareysaa inuu dhoco khilaaf siyaasadeed oo dhanka Garsoorka, taasoo ugu dambeyn ku biyo shubaneyso inuu cirka isku sii shareero hadaan wax laga qaban.

Shalay ayey ahayd markii Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu eryey Ibraahim, iyadoo xilka loo magacaabay Baashe Yuusuf Axmed. Labada Mudane ayaa kasoo wada jeeda deegaanada Somaliland.

Sharci-yaqaanada ayaa sheegaya in marka uu magacaabayo ama xilka ka qaadayo Madaxweynaha Gudoomiyaha Maxkamadda sare lagama maarmaan tahay inuu inay jirto soo jeedin Gudiga Adeegga Garsoorka dalka, oo aan wali la dhisin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuldareystay inuu mideeyo madaxda Federaalka

Balse maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa astaan u ah kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii qotomeysa.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 11:33AM

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM