Idaacadda Al-Shabaab oo Duqeyn cirka ah lagu burburiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Duqeyn dhanka cirka ay xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen degmada Jilib, oo ay maamusho Kooxda Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay war ku saabsan in duqeynta lagu burburiyay xarun ay Jilib ku lahayd Idaacadda afka Al-Shabaab ku hadasha ee Andalus, taasoo laga dhageysto goobaha kooxda ay gacanta ku hayso ee Koonfurta Soomaaliya.

Shaqaalihii ku sugnaa dhisamaha Idaacadda Andalus ayay Wakaaladda Wararka dowladda Federaalka sheegtay inay ku dhinteen weerarka, inkastoo aysan baahin magacyadooda.

Lama oga dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta geystay, balse waxaa xusida mudan in Mareykanka looga bartay weerarada noocan ah ee ka dhaca dalka, iyadoo sidoo kale militeriga Kenya ay mararka qaar Al-Shabaab ku weeraraan diyaarado.

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin warka ku saabsan duqeynta Jilib iyo burburinta Idaacadda Andalus, oo markeedii hore laga raray magaalooyin badan markii Kooxda lagala wareegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM