IGAD oo baaq u dirtay dhinacyada "kala aragtida duwan" ee Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu war-saxaafadeed uu kasoo saarey doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ee Jubbaland.

Bayaanka ayaa wuxuu soo baxayaa kadib markii Khamiista maanta ah uu ergayga ururkan uu soo gabagabeeyay socdaal xaqiiqo raadin ah oo Kismaayo ku tegay.

Maxamed Cali Guyo oo xarunta gobolka Jubadda Hoose tagay 4-tii bishan August ee sanadkan ayaa la kulmay dhinacyadda ku lugta siyaasadda Jubbaland.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, IGAD ayaa hoosta ka xariiqday in doorashadda Jubbaland ay muhiim u tahay geediga Soomaaliya ee nabad iyo xasilooni.

"IGAD waxay xoojineysaa baahida loo qabo doorasho xor, xalaal ah, lagu kalsoonan karo, dhexdhexaad ah nabad ahna," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu arkay GO.

IGAD ayaa waxay intaasi raacisay in si lamid ah loo baahan yahay in doorashadda ay noqoto mid waafaqsan dastuurka qabyadda ah ee dalka iyo kan maamulka.

"IGAD waxay ugu baaqeysaa hogaanka iyo dadka Jubbaland in ay ilaashadan wada noolaashiyahooda iyo is-texgelinta bulshadda," ayaa lagu xusay.

Ugu dambeyntii, dhinacyadda kala duwan ee feker ahaan is-khilaafsan kuwaasoo daneynaya doorashadda Jubbaland ayaa lagu booriyey wada xaajood.

"Waxaan ku boorineynaa dhinacyadda kala aragtida duwan in ay ku xaliyaan iyaga oo maraya wada hadal," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Dhawaqa kasoo yeeray IGAD ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo murashaxiinta mucaaradka ay sameysteen guddi doorasho, kaasoo ka kooban 11 xubnood.

Siyaasiyiintan ayaa shaaciyey in ay kasoo horjeedan guddi maamulaya doorashadda oo uu magacaabay Axmed Madoobe oo murashax ah, kaasi oo ay shaki ka muujiyeen.

Doorashadda Jubbaland ayaa loo balansan yahay bishan August, waxaana muuqanaya wejiyo cusub oo ay galeyso siyaasadda dowlad goboleedkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM