Imaaraadka oo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabay Muqdisho

Image
Dowladda Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ayaa aad loogu eedeeyey siyaasada sida aadka eheyd ugu dhoweyd Qatar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaraadka u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al-Othman.

"Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loogana hormarin lahaa dhinacyo kala duwan, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay taageerada Imaaraadka ay siiso shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaraadda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Al-Othman ayaa tan iyo intii ay dhacdey doorashada ayaa dhaqdhaqaaqyo kulamo ah la qaadanayey madaxda Dowladda Soomaaliya sida Gudoomiye-yaasha labada aqal ee Soomaaliya.

Dowladda Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ayaa aad loogu eedeeyey siyaasada sida aadka eheyd ugu dhoweyd dowlada Qatar taas oo taageero maaliyadeed oo lagu curyaamiyey wada shaqeynta hay’adaha dowlada Soomaaliya u fidin jirtey Fahad Yaasiin Daahir oo gacan yare u ahaa madaxweynhii lagaga adkaadey doorashadii 15 May ka dhacdey Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowana la caleema-saarayo ayaa markii olalaha doorashada ku jirey balan qaadkiisu ahaa inuu doonayo Soomaali heshiis ah dalalka calaamkana si siman heshiis ula ah.

Dalalka Imaraadka iyo Qatar ayaa waxaa ka dhexeeya xifaaltan siyaasadeed taas oo ay ku tartamaan sidii saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale aan waxytar u laheyn shacabka ugu yeelan lahaayeen dalalka burburka dhaqaale iyo midka siyaasadeed soo gaarey kuwaas intooda badan ku yaal bariga dhexe iyo Africa.

Sidoo kale, dowladahan ayaa, sidda ay sheegayaan khabiiradda, waxa aysan kaalin muuqata la cayaarin dib-u-dhiska hay'adaha dowliga ah taas badalkeedana ay diiradda saaraan fulinta danahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM